Posts

Somaliland oo wax lala yaabo ku tilmaamtay eedeynta Coldoon

  Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay dhaliilaha iyo eedeymaha loo jeedinayo shabakadda dugsiyada ee Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo oo maalmihii dambe cirka isku shareertay. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, Muane Axmed Maxamed Diiriye ( Toorno ) oo wariyeyaasha kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka horyimid eedeymaha Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ee ka dhanka ah macalimiinta dugsiyada Abaarso iyo  jaamacadda gabdhaha ee Barwaaqo, isagoo eedeymhaas waxba kama jiraan ku tilmaamay. Sidoo kale wasiir Toorno ayaa xusay in cadeyn rasmi ah looga baahan yahay ciddii tiri Diin kale ayaa lagu dhigaa dugsiyada Abaarso. “Diinta, dalka iyo dad nimada midna iib ma galo, isku riix riix iyo isku ceebayna ma galo, isagay u taala ninkii mucaarad nimo iyo hebel ku xumee u isticmaalaya, ninka leh diin kale ayaa Somaliland lagu dhigaa isaga ayaa caddayn teedi laga rabaa” ayuu yiri wasiir Toorno. Wasiirka waxbarashada So

Musharaxiinta iyo madax goboleedyada oo Muqdisho ku leh kulan xasaasi

  Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ka furmay kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Midowga Musharaxiinta Mucaaridka iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka, oo ayagu isku maandhafsan habraacyada doorashada. Sida ay ogaatay Wadaninews24, kulanka ayaa waxaa looga hadlaya habraacyadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo diidmadii Midowga Musharaxiinta ay ku wajaheen, kadib markii ay soo ifbaxday in awooda u weyn ee doorashada gacanta u gelayso madaxda dowlad goboleedyada. Kulanka oo hadda ka socda hoyga ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, waxayn wararku sheegayaan ayaa in kulankaan uu ku yimid kadib codsi ay labada madaxweyne u direen Midowga Musharaxiinta oo ay markii hore ahaayeen saaxiibo dhow. Mucaaradka iyo Madaxda dowlad goboleedyada qaarkooda oo markii hore xulafo dhow ahaa ayaa maalmihii dambe ku kala fogaaday hanaanka doorashada, kadib markii ay madaxda maamulada qaateen awooda doorashada. Habraacyadii ay shalay soo

Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka Axmed Madoobe iyo Deni iyo Musharaxiinta?

  Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Midowga Musharaxiinta Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo mar xulufo siyaasadeed ku ahaa la-dagaalanka madaxweyne Farmaajo. Khilaafkan ayaa ka dhashay sida madax goboleedyada ay u maareeyeen doorashada Aqalka Sare, si gaar ahna Amxed Madoobe iyo Saciid Deni, ayada oo Midowga Musharaxiinta iyo xubno ay taageerayeen lagu soo dari waayey liiska musharaxiinta. Kadib musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal ay ku dhalleeceeyen sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Aqalka Sare, waxayna toos fariin u direen madax goboleedyada ayaga oo dalbaday, in kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka. Waxaa xigay, in shirka Muqdisho ka furmay loo diiday inay ka qeyb galaan xubnaha Midowga Musharixiinta oo dhawaan codsaday in kaalin laga siiyo shirka, si ay kaalin ugu yeeshaan aayo ka tashiga doorashada dalka Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Caasimada On

Toddoba qof oo lagu dilay garoonka Kabul iyo Taalibaan oo sheegtay cidda ka mas’uul ah, kadibna qaaday tallaabo

 Britain ayaa sheegtay in toddoba qof oo shacab Afghan ah lagu dilay qalalaase Sabtidii ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaaha Kabul, halkaas oo dad badan ay ku xoomeen ayaga oo isku dayaya inay gaaraan garoonka si looga qaado. Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la xarbinayey inay la taacaalaan kumanaanka qof ee isugu jira ajaaniibta iyo shacabka Afghanistan ee ka cararaya dalkaas, kadib markii ay xukunka la wareegeen Taalibaan. “Waxaan maskaxda ku haynaa dhammaan qoyska toddobada ee ku dhintay Kabul,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Britain, isag aoo aan faah-faahin ka bixin sida ay wax u dhaceen. Taleefishinka Sky News ee Britain ayaa baahiyey muuqaallada saddex ka mid ah meydadka oo yaalla dibedda garoonka. “Xaaladda waa mid aad caqabad u leh, waxaanse isku dayeynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u xakameyno, ugana dhigno mid amni ah oo sugan, sida ugu macquulsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Britain. Dhinaca kale, kooxda Taa

Maxay tahay lacagta ay Somaliland sheegeyso inay ka dhacdo DF Soomaaliya?

  Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka dhacdo lacag malaayiin dollar ah, oo ah dhaqaalaha ka soo baxa diyaaradaha isticmaala Hawada Soomaaliya, oo qeyb ka aheyd Somaliland. Maareeyaha Hay’adda duulista iyo maamulka madaarrada Somaliland, Cumar Sayid oo khudbad ka hor jeediyay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa waxa uu ku dooday in dowladda federaalka aysan gacanta ku hayn maamulka diyaaradaha Somaliland, hase yeeshe ay maamulato dhaqaalaha kasoo baxa, ee ay xaqa u leedahay Somaliland, sida uu yiri. “Hawada waxa laga maamulaa Taawar, iyaguna (Soomaaliya) Taawar bay haystaan, annaguna (Somaliland) Taawar baanu haysanaa, laakiin waxa keliya ee inaga maqani waa Dakhligii innaga dhexeeyay (Soomaaliya) ee ay ahayd inaynu qaybsano intaynu kala baxayno ayay keligood dhinac ula jeedsadeen,” ayuu yiri. “Hawo ay maamulkeeda awood ku leeyihiin iyo diyaarad ay innaga joojin karaan iyo mid ay inoo fasixi karaan midna ma jirto, taana wayn

Kooxda Ahmed Massoud ee DAGAALKA ku iclaamiyey ururka Taalibaan oo hadda sheegay inay doonayaan…

  Ciidamadii hore ee dowladda Afghanistan ee billaabay muqaawamada ka dhanka ah kooxda Taalibaan ayaa isku diyaarinaya “dagaal daba dheeraada,” balse waxay sidoo kale diyaar u yihiin wada-xaajood, sida uu sheegay afhayeen u hadlay. Tan iyo markii Taalibaan ay xukunka la wareegeen, kumanaan qof ayaa gaaray Dooxada Panjshir, si ay u helaan aag ay ku bad-baadaan uguna biiraan dagaalka, sida uu sheegay Ali Maisam Nazary . Waxaa halkaas ku sugan Ahmed Massoud, oo ah wiilka taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Afghanistan Ahmed Shah Massoud, oo ay dileen Al-Qacida, laba maalmood ka hor weerarkii September 11, 2001. Sida uu sheegay Nazary, Ahmed Massoud ayaa halkaas ku diyaariyey dagaal-yahano dhan 9,000 oo askari, inkasta oo aan si madax-banaan loo xaqiijin karin tiradaas. Kooxdan oo la baxday Jabhadda Iska-Caabinta Qaranka (NRF), ayaa sheegtay in ahmiyaddeeda koowaad ay tahay in laga fogaado dagaal dhiig badan uu ku daato, ayna doonayaan nidaam cusub oo dowladeed. Hase yeeshee Nazary ayaa

Xukuumadda iyo Amisom oo heshiis 3 qodob ah ka gaaray xasuuqii Golweyn

  Guddigii wasiirrada ahaa ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu laayey dadka rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska ciidanka AMISOM, waxayna xubnaha guddigaas oo warbaahinta la hadlay shaaciyeen heshiis ka kooban 3-qodob oo AMISOM ay la galeen. Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qodobadii ay kala hadleen AMISOM warbaahinta la wadaagay ayaa sheegay in seddax qodob ay u kala qaadeen arrinta, kuwaas oo kala ah. 1 – In ciidankii dhibka geystay sharciga la hor-geeyo, kuwaas oo qaar la xiray, qaarna baaritaan lagu wado, sida uu sheegay wasiirku. 2 – In ehellada dadkii la dilay laga daaweeyo dhibkii dhacay oo AMISOM ay bixiso magta dadkii ay dishay. 3 – In AMISOM aysan dhibaatooyin dambe u geysan shacabka Soomaaliyeed. “Arrinta ugu muhiimsan waxay tahay ciidamada AMISOM dalkaan ayey nala joogaan, waxaan maanta kala hadalnay taliska AMISOM in dhibaatooyin kale aysan dhicin mustaqbal