Posts

Showing posts from August, 2021

Somaliland oo wax lala yaabo ku tilmaamtay eedeynta Coldoon

  Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay dhaliilaha iyo eedeymaha loo jeedinayo shabakadda dugsiyada ee Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo oo maalmihii dambe cirka isku shareertay. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, Muane Axmed Maxamed Diiriye ( Toorno ) oo wariyeyaasha kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka horyimid eedeymaha Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ee ka dhanka ah macalimiinta dugsiyada Abaarso iyo  jaamacadda gabdhaha ee Barwaaqo, isagoo eedeymhaas waxba kama jiraan ku tilmaamay. Sidoo kale wasiir Toorno ayaa xusay in cadeyn rasmi ah looga baahan yahay ciddii tiri Diin kale ayaa lagu dhigaa dugsiyada Abaarso. “Diinta, dalka iyo dad nimada midna iib ma galo, isku riix riix iyo isku ceebayna ma galo, isagay u taala ninkii mucaarad nimo iyo hebel ku xumee u isticmaalaya, ninka leh diin kale ayaa Somaliland lagu dhigaa isaga ayaa caddayn teedi laga rabaa” ayuu yiri wasiir Toorno. Wasiirka waxbar...

Musharaxiinta iyo madax goboleedyada oo Muqdisho ku leh kulan xasaasi

  Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ka furmay kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Midowga Musharaxiinta Mucaaridka iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka, oo ayagu isku maandhafsan habraacyada doorashada. Sida ay ogaatay Wadaninews24, kulanka ayaa waxaa looga hadlaya habraacyadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo diidmadii Midowga Musharaxiinta ay ku wajaheen, kadib markii ay soo ifbaxday in awooda u weyn ee doorashada gacanta u gelayso madaxda dowlad goboleedyada. Kulanka oo hadda ka socda hoyga ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, waxayn wararku sheegayaan ayaa in kulankaan uu ku yimid kadib codsi ay labada madaxweyne u direen Midowga Musharaxiinta oo ay markii hore ahaayeen saaxiibo dhow. Mucaaradka iyo Madaxda dowlad goboleedyada qaarkooda oo markii hore xulafo dhow ahaa ayaa maalmihii dambe ku kala fogaaday hanaanka doorashada, kadib markii ay madaxda maamulada qaateen awooda doorashada. Habraacyadii ay shalay...

Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka Axmed Madoobe iyo Deni iyo Musharaxiinta?

  Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Midowga Musharaxiinta Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo mar xulufo siyaasadeed ku ahaa la-dagaalanka madaxweyne Farmaajo. Khilaafkan ayaa ka dhashay sida madax goboleedyada ay u maareeyeen doorashada Aqalka Sare, si gaar ahna Amxed Madoobe iyo Saciid Deni, ayada oo Midowga Musharaxiinta iyo xubno ay taageerayeen lagu soo dari waayey liiska musharaxiinta. Kadib musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal ay ku dhalleeceeyen sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Aqalka Sare, waxayna toos fariin u direen madax goboleedyada ayaga oo dalbaday, in kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka. Waxaa xigay, in shirka Muqdisho ka furmay loo diiday inay ka qeyb galaan xubnaha Midowga Musharixiinta oo dhawaan codsaday in kaalin laga siiyo shirka, si ay kaalin ugu yeeshaan aayo ka tashiga doorashada dalka Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Caasimad...

Toddoba qof oo lagu dilay garoonka Kabul iyo Taalibaan oo sheegtay cidda ka mas’uul ah, kadibna qaaday tallaabo

 Britain ayaa sheegtay in toddoba qof oo shacab Afghan ah lagu dilay qalalaase Sabtidii ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaaha Kabul, halkaas oo dad badan ay ku xoomeen ayaga oo isku dayaya inay gaaraan garoonka si looga qaado. Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la xarbinayey inay la taacaalaan kumanaanka qof ee isugu jira ajaaniibta iyo shacabka Afghanistan ee ka cararaya dalkaas, kadib markii ay xukunka la wareegeen Taalibaan. “Waxaan maskaxda ku haynaa dhammaan qoyska toddobada ee ku dhintay Kabul,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Britain, isag aoo aan faah-faahin ka bixin sida ay wax u dhaceen. Taleefishinka Sky News ee Britain ayaa baahiyey muuqaallada saddex ka mid ah meydadka oo yaalla dibedda garoonka. “Xaaladda waa mid aad caqabad u leh, waxaanse isku dayeynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u xakameyno, ugana dhigno mid amni ah oo sugan, sida ugu macquulsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Britain. Dhinaca kale, kooxda...

Maxay tahay lacagta ay Somaliland sheegeyso inay ka dhacdo DF Soomaaliya?

  Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka dhacdo lacag malaayiin dollar ah, oo ah dhaqaalaha ka soo baxa diyaaradaha isticmaala Hawada Soomaaliya, oo qeyb ka aheyd Somaliland. Maareeyaha Hay’adda duulista iyo maamulka madaarrada Somaliland, Cumar Sayid oo khudbad ka hor jeediyay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa waxa uu ku dooday in dowladda federaalka aysan gacanta ku hayn maamulka diyaaradaha Somaliland, hase yeeshe ay maamulato dhaqaalaha kasoo baxa, ee ay xaqa u leedahay Somaliland, sida uu yiri. “Hawada waxa laga maamulaa Taawar, iyaguna (Soomaaliya) Taawar bay haystaan, annaguna (Somaliland) Taawar baanu haysanaa, laakiin waxa keliya ee inaga maqani waa Dakhligii innaga dhexeeyay (Soomaaliya) ee ay ahayd inaynu qaybsano intaynu kala baxayno ayay keligood dhinac ula jeedsadeen,” ayuu yiri. “Hawo ay maamulkeeda awood ku leeyihiin iyo diyaarad ay innaga joojin karaan iyo mid ay inoo fasixi karaan midna ma jirto, taana ...

Kooxda Ahmed Massoud ee DAGAALKA ku iclaamiyey ururka Taalibaan oo hadda sheegay inay doonayaan…

  Ciidamadii hore ee dowladda Afghanistan ee billaabay muqaawamada ka dhanka ah kooxda Taalibaan ayaa isku diyaarinaya “dagaal daba dheeraada,” balse waxay sidoo kale diyaar u yihiin wada-xaajood, sida uu sheegay afhayeen u hadlay. Tan iyo markii Taalibaan ay xukunka la wareegeen, kumanaan qof ayaa gaaray Dooxada Panjshir, si ay u helaan aag ay ku bad-baadaan uguna biiraan dagaalka, sida uu sheegay Ali Maisam Nazary . Waxaa halkaas ku sugan Ahmed Massoud, oo ah wiilka taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Afghanistan Ahmed Shah Massoud, oo ay dileen Al-Qacida, laba maalmood ka hor weerarkii September 11, 2001. Sida uu sheegay Nazary, Ahmed Massoud ayaa halkaas ku diyaariyey dagaal-yahano dhan 9,000 oo askari, inkasta oo aan si madax-banaan loo xaqiijin karin tiradaas. Kooxdan oo la baxday Jabhadda Iska-Caabinta Qaranka (NRF), ayaa sheegtay in ahmiyaddeeda koowaad ay tahay in laga fogaado dagaal dhiig badan uu ku daato, ayna doonayaan nidaam cusub oo dowladeed. Hase yeeshee Nazary ...

Xukuumadda iyo Amisom oo heshiis 3 qodob ah ka gaaray xasuuqii Golweyn

  Guddigii wasiirrada ahaa ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu laayey dadka rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska ciidanka AMISOM, waxayna xubnaha guddigaas oo warbaahinta la hadlay shaaciyeen heshiis ka kooban 3-qodob oo AMISOM ay la galeen. Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qodobadii ay kala hadleen AMISOM warbaahinta la wadaagay ayaa sheegay in seddax qodob ay u kala qaadeen arrinta, kuwaas oo kala ah. 1 – In ciidankii dhibka geystay sharciga la hor-geeyo, kuwaas oo qaar la xiray, qaarna baaritaan lagu wado, sida uu sheegay wasiirku. 2 – In ehellada dadkii la dilay laga daaweeyo dhibkii dhacay oo AMISOM ay bixiso magta dadkii ay dishay. 3 – In AMISOM aysan dhibaatooyin dambe u geysan shacabka Soomaaliyeed. “Arrinta ugu muhiimsan waxay tahay ciidamada AMISOM dalkaan ayey nala joogaan, waxaan maanta kala hadalnay taliska AMISOM in dhibaatooyin kale aysan dhicin musta...

Ciidamo beeleed kasoo horjeeda HirShabeelle oo qabsaday Beledweyne

  –  Ciidamo lamagac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan ayaa caawa la wareegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo saraakiisha hoggaamineysa ciidankaas ay warbaahinta u sheegeen in guud ahaan magaalada ay gacanta ku hayaan, HirShabeelle dambana aysan ka tali doonin. Ciidanka caawa la wareegay Beledweyne oo ka tirsan qeybta 27-aad ee Militeriga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Barre Cilmi oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan ciidanka daraawiishta HirShabeelle. Korneyl Cabdullahi Barre oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay magaalada ula wareegeen ay tahay tallaabo ay uga hor-tegayaan in Cali Guudlaawe awood ciidan lagu keeno Beledweyne. “Ciidamadu waxay la wareegeen xarun kasta oo maamulku kulahaa Beledweyne, waxaa noo cuntami weysay in sayaasiyiin dano gaara leh ay waxay rabaan ka sameystaan g...

Wiil arrin yaab leh u sameeyey jaceyl dartiis oo lagu xiray degmada Guriceel

  –  Taliska Booliska degmada Guriceel ayaa soo bandhigay Wiil qeybo kamid ah Jirkiisa dab kula qoray magaca gabar uu jeclaa, kaasi oo ciidamada xabsiga u taxaabeen. Taliska degmada ayaa sheegay in Wiilkaas uu naftiisa qatar geliyey, islamarkaana aysan marnaba ogolaan doonin in dhalinyaradu ku kacaan falka noocaas oo kali ah, oo waxyeelo u geysanaya naftooda. “Nafsadaas uu dhibaateeyay in sharciga Islaamka aan waafajino, oo uu ka qaato xukunka uu ku leeyahay oo aanan ku cafin, waayo wax uusan Ilaahay raali ka aheyn, oo aanan qaadan karin.” “Marnaba qaadan mayno in lagu maran-habaabiyo dhalinyarada, oo nin walba uu sidaas jidhkiisa u gaarsiiyo oo mid kale oo dhaho asaga kasii darnow.” Sidoo kale waxa uu sheegay Talisku in arrimahan noocaan oo kale ay maalmihii dambe noqdeen mashruuc lagu raadinayo lacag, oo ay ku tilmaameen mid aad u fool xun oo ay marnaba qaadan karin. Ugu dambeyntiina waxa uu waalidiinta ugu baaqay inay ka warhayaan ilmahooda, ayaga oo u sameynaya wacyi...

Nin SOOMAALI ah oo lagu gowracay magaalada London

Nin Soomaali ah ayaa si arxan darro ah shalay gelinkii dambe loogu dilay magaalada London, xilli ay sare u kacayaan dilalka magaalada loogu gaysto Soomaalida. Dilkan oo loo adeegsaday mindi ayaa ka dhacay xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay oo lagu magacabo Leyton, sida ay goobjoogeyaal arkayey u sheegeen Xabwaas News. Kooxda dilka gaysatay ayaa la sheegay in marxuumka oo da’diisa lagu qiyaasay 30 jir ay qoorta kaga gooyeen mindida, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Waxaa kadib goobta soo gaaray kooxaha gurmadka deg degga ah, oo ula cararay isbital ka ag dhowaa goobta, halkaasi oo ay nafta kaga baxday. Booliska ayaan weli shaaca ka qaadin magaca marxuumka. London ayaa caan ku ah dilalka loo adeegsado mindiyaha, ayada oo inta badan lagu dilo ama ay isku dilaan dhallinayarada Soomaaliyeed ee dad’doodu u dhaxeyso 18 illaa 25 jirka. Weerarkan ayaa wuxuu kaga duwan yahay weeraradii hore in lagu beegsaday nin da’ ahaan weyn. Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa London ka dhacay dilalka ...

Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid go’aanadii kasoo baxay shirkii Muqdisho

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu kaga hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wada-tashiga qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Cumar Cabdirashiid ayaa ka horyimid go’aanada kasoo baxay shirkaasi, wuxuuna tilmaamay inay buuri karaan xiisado horleh. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gabi ahaan meesha laga saaray hufnantii geedi socodka doorashooyinka, ayna awooda isku soo koobeen maxdaxda maamullada dalka. Cumar Cabdirashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yahay in dib eegis deg deg ah lagu sameeyo qodobada qaar ee war-murtiyeedka lasoo saaray. “Hoggaamiyayaasha goboladu waxay ku guuleysteen inay xoojiyaan awoodda ay ku leeyihiin doorashooyinka Aqalka Hoose. War-murtiyeedka ayaa wax u dhimey hufnaantii geedi-socodka oo haddii aysan helin taageerada dadka Soomaaliyeed, waxaa laga yaabaa inay kiciso xiisado cusub oo laga ya...

Xog: Saraakiil iyo ciidamo ka amar qaata Guudlaawe oo ku sugan Beledweyne

  Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan gaaray, welina ku sugan saraakiil ka baxay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle iyo ciidamo ka amar qaata madaxweyne Cali Guudlaawe. Ciidamada ka baxay Jowhar ayaa waxaa hogaaminaya taliyaha booliska HirShabeelle oo ay qaraabo yihiin Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana qeyb ka ah saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Sidoo kale waxaa kaamirada ka soo muuqday agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada HirShabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo ku libisan dareeska ciidamada, iyadoo ay saraakiishaan ciidan loo geeyey Beladweyne qorshe awood ciidan loogu geyn lahaa madaxweyne Cali Guudlaawe. Si kastaba, qorshahaas ayaa waxaa xalay fashiliyey ciidamo lamagac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan oo la wareegay gacan ku haynta magaalada. Ciidanka caawa la wareegay Beledweyne oo ka tirsan qeybta 27-aad ee Militeriga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Barre Cilmi oo dhawaa...

Madax goboleedyada oo si rasmi ah u inqilaabay doorashada iyo guddiga doorashada oo la awood tiray

    –  Waxaa galabta Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii golaha wadatashiga qaranka ee Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka, sida xulista ergada doorashada, amiga doorashada, dhaqaalaha ku baxaya iyo qaabka loo ilaalinayo qoondada haweenka. Heshiiskaan ayaa daaha ka rogaya in golahaan ka kooban ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ay la wareegeen awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ku jira qodobo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa. Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ku cad heshiisyadii hore iyo habraacii uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada ee heer federaal waxay dhigayaan in awooda ugu badan ee doorashada xubnaha golaha shacabka ay leeyihiin qabaa’ilka kursiga iska leh. Noqol ka mid ah habraaca looga heshiiyey soo xulidda Ergada waxaa looga hadlay qaabka cod-bixinta ergada iyo inta uu kooramkoodu ku buuxsami karo, waxaana lagu yiri...